Home Wararka Akhri Oo Dhagayso :Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Waftigiisi Oo Si Wayn Loogu...

Akhri Oo Dhagayso :Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Waftigiisi Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Gar-Adag Sidoo Kalena Xadhiga Ka Jaray Xafiis Cusub Oo Xisbigu Ku Yeelan Doono Degmadaasi + Daawo Sawirro

19
0

Gar-Adag (UCID-Media Group)– Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa soo Dhaween aan hore loo arag kala kulmay Degmada Gar-adag waxaanay goor habeennimo ah kaga hor tagaeen Duleedka Magaalada .
Waxaan Subaxnimadii uu Gudoomiyaha Faysal Cali Waraabe iyo waftigiisi ay ka qeyb galeen Munaasibad so dhaween oo ka dhacadya Degmada Gar-adag .
Waxaana halkaasi ka hadlay Murashaxiin iyo Odayaal ka soo jeeda Degmadaasi waxaanay sheegen in Guddoomiye Faysal ay gacmo furan iyo niyad saafi ah ku soo dhaweenayaan isaga iyo waftigiisa .
Xoghayaha Arrimaha Bulshada C/raxman Axmed Cali oo isna Halkaasi hadlay ayaa sheegay in uu Degmadani tahay Deegaankiisi isla markaana ay Gudoomiyaha iyo Waftiga ku soo dhaweenayaan isagoo sheegay in uu ku faraxsanyahay in isagoo ka mid ah waftiga ay maanta soo maraan Degmada Gar-adag .
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ugu danbeentii khudbad ka jeediyay ayaa ka warramay Ujeeddada socdaalkiisa waxaanu sheegay in Socdaalkani ahaa mid ku saabsana Nabadda iyo Mideenta Somaliland .
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Degmada Gar-adag ay tahay Degmo qiimo wayn ugu fadhida Somaliland isagoo Degmada reer Gar-adag ugu baaqay in ay kala doortaan Nidaamkii Siyaad barre ama kii Cumar Binu khaddaab , isagoo uga socday in kuraasta looga kaco beelaha Darafyada .
Ugu danbeentii Guddoomiyaha ayaa Xadhiga ka jaray xafiis cusub oo uu Xisbigu ku yeelan doono Degmada Gar-adag .
Socdaalkii Nabadda iyo Mideenta Somaliland ayaa ku soo gabogaboobay Magaalada Gar-adag iyadoo waftigu uu galabta ku soo hoyday Caasimadda Hargaysa .

Halkan Ka Dhagayso Khudbadda Guddoomiye Faysal Cali Waraabe .

image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here