Home Wararka Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Aqoonyahanka...

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Aqoonyahanka Reer Borama Oo Jilbaha Is Dhigay + Gudoomiyaha Oo U Jeediyay Muxaadaro (Public Lecture) Ku Saabsan Taarikhdii Siyaasadeed Ee Somaliland .

23
0

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Aqoonyahanka Reer Borama Oo Jilbaha Is Dhigay + Gudoomiyaha Oo  U Jeediyay Muxaadaro (Public Lecture) Ku Saabsan Taarikhdii Siyaasadeed Ee Somaliland .

 

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo aqoonyahanka Reer Borama ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Hoolka wayn Ee Saw Hotel Jilbaha is dhigay, waxaana uu halkaasi uu Gudoomiyuhu uga jeediyay Khudbad ku saabsanayd Taarikhdii Siyaasadeed Ee Somalialnd .

Gudoomiyaha ayaa si guud uga warramay Taarikhdii Siyaasadeed ee Dalku soo maray, Isagoo si gaar ah hoosta Uga xariiqay Doorkii Shariifka Ahaa ee Reer Awdal ku lahaayeen Nabadayntii iyo Midnimadii Somaliland .

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu ku dheeraaday taariikho kala gadisan oo ku tacalluqa Maraaxilkiii kala gaddisana ee Dalku soo maray, isagoo si gaar ah u dul istaagayay Dhacdooyinkii ku lamaanaa taariikhdii Somaliland .

Gudoomiyaha ayaa halkaasi si guud-mar ah uga waramay Siyaasadda Xisbiga UCID ee ku aaddan Saami-qaybsiga, Waxaanu ballan-qaaday in UCID ay dalka ku soo dabaali doonto Cadaalad, Sinnaan, Qabyaalad-La’aan, in qofku ku shaqo-tago Aqoontiisaa, In Bulshadu Hesho adeegyada asaasiga ah oo bilaash ah iwm .

Ugu Danbeen Gudoomiyuhuu wuxuu ku dardaaray Aqoonyahanka Reer Awdal Oo U Badnaa Ardayda Jaamacadaha in ay ka fogaadaan qabyaaladda isla markaana kor u qaadaan Wadaniyaddooda iyo dal-jacaylka Iyo in ay  meel isku mid ah ka istaagaan Danaha Qaranka .

Intaasi ka dib Aqoonyahankii ku sugnaa Madashaas ayaa su’aalo tiro-badan kula booobay Gudoomiyaha, taas oo meelo kala duwan taabanaysay, waxaana xusid Mudnayd in hadalkooda ay ku fur-furanayeen Mudane Gudoomiye ama Madaxweynaha Mustaqbalka .

Gudoomiyaha ayaa Dhamaan su’aalihii ay Aqoonyahanku kula boobeen uga jawaabay qaab ay ku qanceen dhamaan aqoonyahanku, waxaana la arkayay iyagoo ka garaabaya jawaabaha Gudomiyaha isla markaana sacab kaga fal-celinayay .

Kulankan oo ahaa mid aad u qiimo-badnaa ayaa ah mid ugub ku ah Dalka, iyadoo ay adagtahay in Murashaxiinta kale ee ka sharaxan Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay Aqoonyahan intaas leeg oo Reer Awdal ah uga jawaabaan Su’aaalo ka imanayay quluubtaa Aqoonyahanka Reer Awdal kuwaas oo indho u ah Bulsho saluugsan Saamiga ay ku leeyihiin Dawladda .

 

NB : Khudbadii Gudoomiyaha, Su’aalihii Ardayda Iyo Jawaabihii Gudoomiyaha Oo Muuqaal Ah Naga Dhawra Idamka Alle .

 

 

IMG_7346 IMG_7348 IMG_7349 IMG_7368 IMG_7378 IMG_7381 IMG_7384 IMG_7390 IMG_7408 IMG_7409 IMG_7411 IMG_7413 IMG_7424 IMG_7426 IMG_7429 IMG_7436 IMG_7442 IMG_7443 IMG_7446 IMG_7448 IMG_7453 IMG_7464 IMG_7468 IMG_7472 IMG_7479 IMG_7492 IMG_7501 IMG_7505 IMG_7507 IMG_7518 IMG_7520 IMG_7522 IMG_7524 IMG_7529 IMG_7533 IMG_7535 IMG_7538 IMG_7544 IMG_7552 IMG_7553 IMG_7563 IMG_7565 IMG_7573 IMG_7576 IMG_7579

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here