Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta booqday suuqii dabku ka kacay ee Waaheen.

Filed under: Wararka,Xulashada Wararka Xisbiga UCID |
Facebooktwitterredditpinterestlinkedinmail

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta booqday suuqii dabku ka kacay ee Waaheen.

Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Maayir ku xigeenka caasimadda Khadar Nuur, xubno kamid ah golaha deegaanka caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in dhibka dhacay lagaga bixi-karo midnimo.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay, Maayir ku xigeenka Caasimadda Khadar Nuur, waxaanu warbixin ka bixiyay halka ay hawluhu u marayaan, isagoo Gudoomiyahana uga mahad-naqay booqashadiisa.

Intaasi kadib, Gudoomiye Faysal wuxuu socod lug ah ku maray qeybaha kala duwan ee Suuqa Waaheen, kaas oo muuqiisu yahay mid ku qiiro-galinayaa musiibada halkaas ku dhacday awgeed.

Share this:

Share With

rssyoutube

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *