Guddoomiyaha Iyo Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Oo Kulan Ballaadhan La-qaatay Taageerayaasha Xisbiga UCID (Minnesota Minnieapolis)

Filed under: Wararka |
Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/3/e/c/xisbigaucid.com/httpd.www/wp-content/plugins/social-media-feather/synved-social/synved-social-setup.php on line 589 Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/3/e/c/xisbigaucid.com/httpd.www/wp-content/plugins/social-media-feather/synved-social/synved-social-setup.php on line 589 Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/3/e/c/xisbigaucid.com/httpd.www/wp-content/plugins/social-media-feather/synved-social/synved-social-setup.php on line 589 Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/3/e/c/xisbigaucid.com/httpd.www/wp-content/plugins/social-media-feather/synved-social/synved-social-setup.php on line 589 Facebooktwitterredditpinterestlinkedinmail

Guddoomiyaha Iyo Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Oo Kulan Ballaadhan La-qaatay Taageerayaasha Xisbiga UCID (Minnesota Minnieapolis)3

Minnesota(UCID-Media Group)-Gudoomiyaha iyo Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid ayaa ka qayb galay Kulan Ballaadhan oo ay soo agaasimeen Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Minnesota Minnieapolis, kulankaas oo maamuus sareeya ay ku qaabilay masuuliyiinta Xisbiga oo safar shaqo ku wada jooga dalka Maraynkanka taageerayaashoodu.

Kulanka ayey Taageerayaashu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen kaga dhegeysteen warbixino ay uga sideen dalka kuwaasoo uga xogwaramay kalka ay marayaan hawlihi, maadaama oo xilligii Doorashaddu fooda inagusoo hayo. Sidoo kale-na labada Masuul waxa ay qurba jooga reer Somaliland ee (Minnesota Minnieapolis), waxa ay shaaca uga qaadeen inuu meesha ka baxay khilaafkii uu dhexeeyey Guddoomiyaha iyo Murrashaxa Madaxweyne, kuwaasoo golaha uga cadeeyey taageerayashaa inay maantaba mideysan yihiin.

Geesta kale, qaar kamid ah taageerayaasha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka Ucid ee (Minnesota Minnieapolis) ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in maanta Xisbiga Ucid uu xukuunku u gacan galo, iyadoo uu Musharrax uu yahay aqoonyahan kala dabaalan karaa Marxaaladaha ku gadaaman Bulshada dan yarta ah ee reer Somaliland oo la ciir-ciiraaya sixir barar aafeeyey noloshooda.

Sidoo kale, waxa ay sheegen taageerayaasha Xisbiga Ucid (Minnesota Minnieapolis), in aanay iyagu xil doon ahayn oo mansab ka rabin kulanka Madaxda Xisbiga Ucid, hase-yeeshee, ay u arkeen in Musharrax Jamaal iyo Gudoomiye Faysal yihiin masuuliyiinta keliya ee Somaliland kala dabaalan kara hoos u dhaca diblumaasiyadeed ee intii Xukuumadani talada haysay lasoo dersay iyo inay yihiin kuwo keeni kara aqoonsiga qaranimada Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Musharraxiisa ayaa marti qaad rasmiya ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan aqalka cad ee dalka maraynkanka iyo sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibeda ee dalkaas, waxa kaloo marti qaadka qayb ka ahaa taageerayaasha xisbiga Ucid oo kaalin weyn ka qaatay safarka labada Masuul. Si kastaba ha ahaatee, munaasibadan laba Masuul ee xisbiga Ucid lagu sharfaayey ayaa kusoo dhamaatay jawi degan iyo damaashad-farxadeed.FB_IMG_1453457880598FB_IMG_14534578901941234465


 

Share this:

Share With

Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/3/e/c/xisbigaucid.com/httpd.www/wp-content/plugins/social-media-feather/synved-social/synved-social-setup.php on line 589 Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/3/e/c/xisbigaucid.com/httpd.www/wp-content/plugins/social-media-feather/synved-social/synved-social-setup.php on line 589 rssyoutube

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *