Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Oo Munaasibadda Xuska 18 May Kala Qeyb Galay Shacabka Reer Awdal + sawiro

Filed under: Wararka,Xulashada Wararka Xisbiga UCID |
Facebooktwitterredditpinterestlinkedinmail

Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Oo Munaasibadda Xuska 18 May Kala Qeyb Galay Shacabka Reer Awdal + sawiro

Borama (UCID-medai Group) Wafti uu hogaaminayo Guddoomiye ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucid mudane Maxamuud Cali Muuse (Jiir) isla markaana ay xubno ka ahaayeen Xoghayaha Warfaafinta Ucid Mudane Yuusuf Kayse C/laahi, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qani Salaf iyo Xubno kale ayaa shacabka Reer Awdal kala qeyb galay Xuska 18 May .
Guddoomiye Ku Xigeenka Sadexaad ee Ucid Mudane Maxamuud Cali Muuse (Jiir) oo halkaasi ka jeediyay khudbad ayaa ugu horeen Munaasibadda Xuska 18 May awgeed Bogaadiyay Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland Gaar ahaan Shacbiga Reer Awdal .
Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday Qiimaha Maalintani u leedahay Shacbiga Reer Somaliland isagoo sheegay in ay tahay Maalintii ay la soo noqonay Xoriyaddena, goonina isu taagnay .

Geesta kale Guddoomiye Jiir ayaa mar uu ka hadlayay Masuuliyiinta ka tirsan Xukuumadda Somalia ee ka soo jeeda deegaan ahaan Somaliland ayaa waxaa uu yidhi “ Ninka u shaqo Tagay Xamar, ma matalo Reer Somaliland ” Ayuu Yidhi Mudane Jiir Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad ee Ucid .

Si kastaba ha ahaate Xuska 18 May ayaa guud ahaanba Gobolada Dalka Laga Xusay, iyadoo Gobolka Awdal-na uu si wayn looga dareemay Xuskaasi .received_1001056863317552received_1001057889984116received_1001056866650885received_1001056866650885received_1001056853317553
received_1001057896650782received_1001056873317551 received_1001057893317449received_1001056853317553received_1001057866650785
received_1001056863317552

Share this:

Share With

rssyoutube

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *