Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la qaatay Hogaanka Bulshada iyo Madax dhaqameedka Degmada Ceel af-wayn.
Kulamadan ayaa ahaa is xog-waraysi ku saabsan xaaladda guud ee Degmada, waxaanu gudoomiyuhu ku dardaaray odayaasha Deegaanka in ay adkaystaan nabad-galyada Deegaankooda.
Waxaa Guddoomiyaha kulankan ku wehelinayay qaar kamid ah masuuliyiinta sare ee UCID.